Xaaladda Suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho iyo Geeska Afrika ee Bakaaraha ayaa maanta kacsan, kadib markii ganacstada ka hor yimaadeen canshuur cusub oo uu ku soo rogay maamulka Gobolka Banaadir, taasoo keenay in la xiro Bakhaarada iyo Dukaamada Suuqa.
Ganacsatada ayaa saaka isu soo bax cabasho ka sameeyay gudaha Suuqa, iyagoo la hadlay Warbaahinta, isla markaana sheegay inay ka horjeedaan Askar lagu soo daayey suuqa oo wata Qufulo ay ku xirayaan Ganacsatada iyagoo doonaya bixinta canshuur cusub oo Bille ah.
Xaalada uu galay Suuqa Bakaaraha labadii maalmood ugu danbeeyay waxaa kusoo kordhay in Duhurnimadii Maanta Madaafiic Hoobiyeyaal ah ay kusoo dhaceen Suuqa, waxaana qaraxyo waaweyn laga maqlay qeybo ka mida suuqa.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ilaa 4 Qarax ay ku dhaceen Gudaha Suuqa Bakaaraha, qaraxyada ayaa hore loo sheegay ahaayeen Hoobiyeyaal, laakiin maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay inay Suuqa ka dhaceen qaraxyo la geeyay Goobo Ganacsi.
Inta badan Suuqa Bakaaraha ayaa lagu kala cararray, waxaana gudaha suuqa laga qaaday dad ku dhaawacmay Madaafiicda lagu garaacay suuqa.
Qasaaraha ka dhashay Qaraxyada gilgilay Suuqa Bakaarah ayaa lagu sheegay inay ku dhinteen in ka badan 10 Qof, 30 kalena ay ku dhawacmeen, iyadoo weli aysan Hay’adaha Amniga faahfaahin ka bixin qasaaraha. Dhimashada Qaraxyadii Suuqa bakaaraha ayaa wararku sheegayana inay gaaray ilaa 20 qof.
Ma jirto cid sheegatay Qaraxyada Suuqa Bakaaraha oo maamulka Gobolka Banaadir uu sheegay in lagu beegsadnayay Ganacsato. Dowladda Somaliya aya weli ka hadlin wixii maanta ka hdacay suuqa weyn ee Bakaaraha.
LA SOCO FAAHFAAHINTA