Sunday, June 22, 2025

16 Siyaasi iyo Madax hore oo Qoraal dheer oo Digniin ah u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

War saxaafadeed ay si wadajir usoo saareen qaar ka mida Madaxdii hore, siyaasiyiin iyo hoggaamiyeyaal xisbi ayaa si weyn loogu cambaareeyay xaaladda uu dalka ku wado madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku dhawaaqay xisbi siyaasadeed uu madax ka yahay.

Qoraalkooda oo aad u dheeraa waxay 16-ka siyaasi iyo madaxda hore uga hadleen xaalada cakiran ee siyaasadda dalka, iyagoo caddeeyay inay dhimatay Madashii Wadatashiga Qaran, isla markaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka doorbiday kooxaysi kaalintii hoggaamineed ee la iskugu keeni lahaa dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Waxay sidoo kale War-mutiyeedkooda kula taliyeen madaxweyne Xasan Sheekh inuu degdeg u guda-galo wadatashi siyaasadeed oo ay isugu yimaadaan xoogagga siyaasadeed, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si dalka looga samatabixiyo kalitalisnimo lagu burburinayo dastuurkii heshiiska lagu ahaa, nidaamkii federaalka iyo awood qaybsigii siyaasadeed ee saldhigga u ahaa xasilloonnida dalka, loona abuuro cudud midaysan oo looga hortagayo kooxaha argagexisada.

Ad

Waxay uga digeen Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka waantoobo waxa ay ugu yeereen fidno abuurka uu ugu durbaan tumanayo maamulka Jubbaland, joojiyana xorriyad ka qaadista iyo afduubka siyaasadeed ee uu u adeegsanayo hantida qaranka iyo xilalka dowladda.

Ugu danbeyn waxay ugu baaqeen madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeele iyo Koofur-Galbeed oo muddo xileedkeedu dhamaaday inay shacabkooda xurmeeyaan oo qabtaan doorasho dastuurka waafaqsan, kana waantoobaan in ay Madaxweynaha ku garab siiyaan burburinta nidaamka Federaalka.

Xubnaha War-mutiyeedka ku saxiixan ayaa kala ah:

- Advertisement -

1. Shariif Sheekh Axmed
2. Shariif Xasan Sheekh Aadan
3. Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan
4. Maxamad Xuseen Rooble
5. Cumar C/rashiid Cali Sharmarke
6. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)
7. Xasan Cali Khayre
8. Cabdiweli Sheekh Axmed
9. Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif
10.Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
11.Amb. Axmed Ciise Cawad
12.C/qaadir Cosoble Cali
13.Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed
14.Dr C/naasir Cabdulle Maxamad
15.Eng Cabdullahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab)
16.Maxamed Cabdullaahi Siiriin

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON