Sunday, June 22, 2025

Sheekh Shariif oo Dowladda Xasan Sheekh ku eedeeyay caburinta Saxaafadda iyo Dadweynaha

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hormuud u ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si weyn ugu eedeeyay dowladda Xasan Sheekh inay caburin ku heyso warbaahinta iyo dadweynaha Muqdisho.

Khudbad la soo duubay oo warbaahinta loo qeybiyay ayuu Sheekh Shariif ku sheegay inay xaalad adag ka jirto magaalada Muqdisho, isla markaana uu sii xoogeystay cadaadiska dowladdu ku heyso saxaafadda, ayna ku dhaqaaqday caburinta xorriyadda hadalka ee xuquuqda dadka ka mida.

Sheekh Shariif ayaa ka digay tallaabooyinka lagu bartilmaameedsanayo wariyeyaasha iyo dadweynaha Muqdisho ee ra’yigooda ka dhiibaya xaaladda adag ee dalku ku jiro, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay in dowlad ku doodeysa qabashada Doorasho Qof iyo Cod ah inaysan u adkeysan karin dadka ka ra’yiga duwan.

Ad

“Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida saxaafadda waa tiir muhiim ah oo dowlad kasta ay ku dhisan tahay. Marna la aqbali maayo in saxafiyiin la caburiyo ama la handado sababo siyaasadeed dartood,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore wuxuu ugu baaqay dowladda in ay ilaaliso xuquuqda saxafiyiinta oo ay joojiso faragelinta tooska ah ee lagu hayo warbaahinta xorta ah, isagoo ku baaqay in la sii daayay saxafiyiinta maanta la xiray.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON