Sunday, June 22, 2025

Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo shaaciyay inay aqbalayaan Doorashada, haddii…

Shirweynihii siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ka furmay hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galayaan madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka iyo xildhibaanno ka tirsan labada gole.

Waxaa shirka khudbad ku furay Sheekh Shariif oo la wareegay hoggaaminta mucaaradka, isagoo ka hadlay xaaladda dalka, sida dagaalka Alshabaab, Doorashada iyo khilaafka dowlada Federaalka iyo maamul Goboleedyada.

Dagaalka Alshabaab ayuu sheegay in lagu fashilmay, mas’uuliyaduna uu qaadayo hoggaanka dalka. “Dowladdu waxay ku eedeysan thay inay la dhuumatay dagaalka Ashabaab.. Haddii lagu fashilmay waxay ahayd in la yiraahdo: dagaalka waa lagu fashilmay ee maxaa talo ah?..” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sii raaciyay:

Ad

“Waxaan aad uga xunahay hoggaan xumida iyo musuqmaasuqa keenay inay ciidanku niyad jabaan oo furimaha kasoo cararraan … Ciidana inuu burburo sababteeda madaxdaa iska leh”

Wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu dalkii kala qeybiyay, siyaasaddiisana ay ku maqan yihiin maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Wuxuu ku dooday Sheekh inaan la aqbali karin doorasho ay wadato koox gaara iyo xisbiga madaxweynaha iyo in dadka lagu qasbo diiwaangelinta, balse dhinaca kale wuxuu sheegay in ay ogol yihiin xita doorasho qof iyo cod ah, haddii lagu qanciyo.

- Advertisement -

“Xitaa haddii ay noqoneyso Doorasho Qof iyo Cod, oo nagula qanciyo inay suurtagal tahay diyaar ayaa loo yahay..” ayuu yiri Sheekh Shariif.

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON