Sunday, June 22, 2025

FARMAAJO oo qaaday tallaabo ay ka gaabiyeen Madaxda Mucaaradka, Qoraal-na kasoo saaray…

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay dhacdadii murugada lahayd ee ay ku naf waayeen dhallinyarro Soomaaliyeed oo safar tahriib ah ku marayay inta u dhaxeysa dalalka Algeria iyo Spain.

Waxaa la xaqiijiyay inay ilaa 20 qof  geeriyoodeen, kadib markii doonidii ay la socdeen ay ay egtay. Dhalinyaradan ayaa ku socday Jaziiradda Palma ee dalka Spain,si ay Yurub ugu noolaadaan.

Ad

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray Tacsi u diray qoysaska ay ka baxeen dhallinyarada, wuxuuna ugu baaqaya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada in ay si dhab ah u wajahaan sababaha tahriibka sii badinaya.

Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo:

Tacsida iyo murugada waxaan la qaybsanayaa ehelada iyo qoysaska ay ka bexeen dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku naf waayey badda u dhexaysa dalalka Aljeeriya iyo Isbayn.

- Advertisement -

Dhacdadan xanuunka badan waxa ay muujinaysaa halista dhabta ah ee uu leeyahay tahriibka galaaftay nafta iyo mustaqbalka da’yarteennii hantida u ahaa mustaqbalka dalka, lagana sugayey in ay dhexda u xirtaan sidii ay u samatabixin lahayeen dowladnimada, dadka iyo dalka.

Hoggaanka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed waxaan ugu baaqaya in ay xoogga saaraan barnaamijyada dhiirri-gelinta iyo awood-siinta dhallinyarada, lagana taxadaro tallaabooyinka dhaawacaya niyadda dhallinyarada oo ay ugu horreeyaan musuqmaasuqa, eexda, amni darrada iyo hubinti la’aanta siyaasadeed.

Dhallinyarada waxaan ku adkaynayaa in aysan naftooda tahluuko ku gelin safarro halis ah oo badankood ku dhammaanaya geeri iyo uur-kutaallo, ayna u jeestaan difaaca dadkooda iyo wax-soosaarka dalkooda.

Waalidka Soomaaliyeed waxaan ku adkaynayaa inay da’yarta oo ah tacabkoodii iyo mustaqbalkii waddaanka ka xakameeyaan tahriibka noloshooda galaafan kara.

- Advertisement -

Ugu dambayn waxaan dowladda usoo jeedinayaa in ay tallaabooyin muuqda ka qaaddo qulqulka tahriibka oo ah masiibo qaran, lana xoojiyo wacyi gelinta dhallinyarada, iyadoo laga hortagayo shabakadaha iyo shakhsiyaadka ka ganacsanaya dhibaatadan. 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON