Faah-faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeymo diyaaradeed oo xalay lagu beegsaday goobo ay Alshabaab ku sugan yihiin oo ka mida gobollada Sh/ Dhexe Jubada Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.
Duqeymahan ayaa lagu beegsaday xarumo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku lahaayeen gaar ahaan degaanka Basra, ee hostaga degmada Balcad, halkaas oo xarun weyn u ahayd Alshabaab.
Duqeynta ka hor ayey dadka degaanku arkeen walxo iftiimaya (Buller) oo diyaaradahaasi tuureen, iyadoo la sheegay in lagu burburiyay gaadiid ay qaraxyo ku diyaariyeen Al-Shabaab, kuna soo wajahnaa magaalada Muqdisho.
Duqeyn kale ayaa laga fuliyay J/Dhexe, iyadoo lagu beegsaday maleeshiyo weerar isu diyaarineysay, balse qasaaraha ka dhashay ayaan weli la helin.
Duqeymahan oo intoda badan ay fuliyeen diyaaradaha Drone-ka ee Mareykanka ayaa imaanaya xilli ay wahadallo toos ah dhex mareen Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga iyo Saraakiisha ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Mareykanka.