Sunday, June 22, 2025

DEGDEG: Mahad Salaad oo mar kale loo magacaabay Agaasimaa NISA iyo Sanbaloolshe oo xilkii laga qaaday.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya goor dhoweyd ku dhawaaqay in xilkii laga qaaday Agaasimihii Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Shirka Golaha Wasiirada oo ahaa mid degdeg ah, ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee ah in Mudane Mahad Maxamed Salaad mar kale loo magacaabo Agaasimaha NISA.

Qoraal kasoo baxay Golaha Wasiirada ayaa lagu yiri: “Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, iyo Agaasimaha Hey’adda NISA”.

Ad

Arrintan ayaa in muddo la sugayay, balse waxaa caqabad ku ahaa iyadoo uu ka biyo diiday Sanbaloolshe waanwaan xil kale loogu magacaabi lahaa, kadibna uu safar ku qaaday Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dadaal u galay qancinta Sanbaloolshe, balse aanu ku guuleysan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON