Sunday, June 22, 2025

Dowladda Somaliya oo Q/MIdoobay ka dalbatay in la kala diro kooxda Beesha Calamaka ee C6+

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbatay in  la kala diro kooxda Beesha caalamka ee loo yaqaan C6+.

Qoraal rasmi ah Wasiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Bacad u diray Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan ayuu ku sheegay in Kooxda Beesha Caalamla ee C6+, ay tahay mid duugowday oo aan la socon karin xaaladda siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya.

Wasiir Cali Balcad ayaa sheegay in kooxda Beesha Caalamka dalka laga hirgeliyay xilli uu dalku ku jiray  kumeelgaar iyo xaalad nugul, balse hadda ay wax u dhimayso madax-bannaanida Soomaaliya.

Ad

Kooxdan Beesha Caalamka ee C6+ ayaa waxaa la aas-aasay kadib 2010 si ay isugu keento daneeyeyaasha beesha caalamka, waxaana ka mida, Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Sweden, Kenya Itoobiya, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD.

“Maanta Soomaaliya ma aha dal maraya kala-guur. Waa waddan madax-bannaan oo leh hay’ado dastuuri ah oo shaqeynaya, nidaam dimoqraadiyadeed oo bislaaday, iyo aragti qaran oo cad oo ku wajahan nabad iyo horumar,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiir Cali Balcad.

Cali Balcad wuxuu si cad u sheegay in Soomaaliya dooneyso xiriir ku dhisan wada-shaqeyn laab geesood ah 00 ka turjumaysa heerka maanta ee dowladnimada Soomaaliya.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON