Sunday, June 22, 2025

Sanbaloolshe oo dib ugu soo laabtay Xildhibaannada Golaha Shacabka (Maxaa ka dhacay Jowhar?)

Agaasimihii xilka laga qaaday ee hay’adda NISA Cabdullahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa mar kale maanta dib u soo ceshaday helay kursigiisi xildhibaannimo, kadib doorasho si degdega loo diyaariyay oo ka dhacday magaalada Jowhar.

Kursigan ayuu Sanbaloolshe lumiyay, kadib markii loo magacaabay Agaasimaha NISA, balse isaga ayuu u xirnaa, waxaana u suuragashay inuu si fudud dib ugu soo baxo kursigan oo tirsigiisu yahay #HOP058.

Ad

Waxaa la sheegay in ergada doorashada ee kursiga soo xaadirtay ay ahayd 101 ergo, si gacantaag ahna uu ku guulleystay  Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo helay 98 Cod halka ay ka ka aamustay 3 ergo.

Natiijada waxaa ku dhawaaqay Cabdi Caddow Maxamed oo ka socda Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorrashooyinka Qaranka, waxaana uu goobta ku guddoonsiiyey Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) shahaadada Xildhibaanimo.

Wararka ayaa sheegaya in Sanbaloolshe uu diiday in uu qabto xil kale, markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh usoo bandhigay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON