Sunday, June 22, 2025

Mareykanka oo Duqeyn culus ku qaaday Xarumaha Nukliyeerka IRAN, kuna biiray dagaalka Israel

Mareykanka ayaa toos ugu biiray dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran, kadib markii ay xalay dilli danbe Diyaaradaha dagaalka ee  xambaara bambooyinka tankooda weyn yahay ee B-2 ay weerar dhinaca cirka ah ku qaadeen xarumo muhiim ah oo kuyaalla dalka Iran.

Weerarka Mareykanka ayaa lagu qaaday saddex kamid ah xarumaha nukliyeerka ee dowladda Iran oo kala ah: Fordo, Natanz iyo Isfahan.

Ad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu dalkiisu qaaday weerarka lagu duqeeyay xarumaha Nukliyeerka Iran, wuxuuna isagoo la hadlay shacabka Mareykanka sheegay in weerarka laga gaarey ujeedkii laga lahaa.

Trump wuxuu intaas ku daray in dhammaan diyaaradaha Mareykanka ay ka baxeen hawada Iran, Wuxuuna Iran ka dalbaday linay nabadda qaadato, haddii kale ay wajihi doonto weeraro kale oo culus.

Ra’iisal wasaaraha Yuhuuda Benyamin Netentahu ayaa Mareykanka uga mahadceliyay garabka ay siiyeen shacbka Yuhuudda, wuxuuna weerarka ku tilmaamay mid taariikhi ah.

- Advertisement -

Weli lama shaacin qasaaraha gaaray xarunaha Niyukliyeerka iran, gaar ahaan xarunta ugu weyn ee Fordo oo ahayd goob ay ku taallaa Buuraha hoostooda, taasoo waxba ka qaadi waayeen diyaaradaha dagalaka Yuhuudda.

Mareykanka wuxuu sheegay inuu xarunta Fordo la beegsaday 3 ilaa 6 Gantaallaha culeyskoodu yahay ilaa 3 Tan. Hay’adda Atoomikada aduunka ayaa shaacisay inaysan jirin Shucaac halis ah oo goobaha la duqeeyay ka yimid.

“Waxaan soo gabagabaynay weerar aad u guuleystay oo aan ku qaadnay saddexda goobood ee Nukliyeerka ee Iiraan, oo ay ku jiraan Fordow, Natanz, iyo Esfahan,” ayuu Trump ku yiri khudbad uu jeediyay.

Trump wuxuu sheegay in la adeegsaday diyaaradaha qarsoon ee B-2 (B-2 stealth bombers) balse ma uusan cayimin noocyada bambooyinka la soo daadiyay. Aqalka Cad iyo Pentagon-ka ayaan isla markiiba faahfaahin ka bixin hawlgalka.

- Advertisement -

Waxaa laga cabsi qabaa inuu dagaalka sii fido, haddii ay Iran go’aansato inay weerar ku qaado saldhigyada Mareykanka ee dalalka Khaliijka, kana jawaabto weerarka Mareykanka, sidoo kale waxaa La filayaai nay weerarro qaadaan kooxaha taageera iran, sida Xuuthiyiinta Yeman, Xisbullaahi dalka Lubnaan iyo kooxaha Shiicada Ciraaq.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON