Sunday, June 22, 2025

Yaa bixiyey Dhulka kasoo horjeeda Dekadda Muqdisho, Yaase la siiyey..? [Kiis kale oo kusoo baxay Yuusuf Boorsaani]

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho, C/raxman Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa maanta oo saaray wareegto labaad oo uu ku joojiyey dhisme ka socday dhul kasoo horjeeda Dekadda Muqdisho.

Dhulkan oo ay lahayd Dowladda Hoose ee Muqdisho  ayaa la siiyey ganacsato iyo koox Dallaaliin ah, waxaana soo shaac baxday inuu dhulkaasi bixiyey Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, iyadoo la siiyay shaqsiyaad gaara, wuxuuna noqday 8 Boos oo midkiiba yahay 15M x 14.5M.

Documentigii ay ku codsadeen in dhulkaasi la siiyo ayay ku caddahay magacyada ragga la siiyey, wuxuuna ka mida ahaa dhulal Dan guud ah oo maamulkii Yuusuf Boorsaani ku takri galay, iyadoo ay dhowaan soo baxday inuu maamulkaasi bixiyey dhulka Biyaasa Liibaro ee Ceelgaabta.

Ad

HOOS KA AKHRISO 

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON