Monday, June 23, 2025

Aabaha dhalay Guddoomiyaha Maxkamadda Milateriga oo Caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa maqribkii kadib magaalada Muqdisho lagu dilay aabaha dhalay Guddoomiyaha maxkamadda Darajada koowaad ee Milateriga Soomaaliya.

Koox ku hubeysan Bistoolado ayaa rasaas ooda uga qaaday Cali Nuur Shuute oo xilligaas kasoo baxay Masjidka Unlaaye oo ku yaala Suuqa Boocle ee degmada Dharkeynley, waxaana uu wax yar kadib u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray rasaas fara badan oo qeybta sare uga dhacday.

Cali Nuur Shuute oo isla goobtaasi deganaa ayaa ah aabaha dhalay guddoomiyaha Maxkamadda Milateriga Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute, waxaana goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada, iyadoo ay baxsadeen dableydii dilka geystay.

Ad

Falalka khaarijinta ah ee dadka shacabka ah iyo saraakiisha dowladda ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho iyadoo 24-kii ee ugu danbeeyay ilaa 4 qof lagu dilay caasimadda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON