Ra’iisal wasaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa bixiyey xog badan iyo sir ku saabsan sida madaxdii Tigreega ay afduubka ugu heysteen maamulka dowladda Itoobiya, ayna u ahaayeen dowlad ku dhex jirta dowlad kale.
Khudbad dheer oo Abiy Ahmed ka jeediyay Baarlamaanka dalkiisa ayuu ku faahfaahiyey sida Tigreega awoodda ugu heysteen dhammaan hay’adaha dowladda Federaalka Itoobiya, sida cidiamada sirdoonka iyo hay’adhaa dowladda oo dhan heer ay gaareen inay u diideen inuu sameysto ilaalo u gaar ah.
“Maalintii xilka Ra’iisal wasaaraha la ii dhaariyey, ciidanka waxaa maamulayey TPLF, waxayna u diideen inay xafiiskeyga iyo Guriyeyga soo galaan ilaaladii gaarka ahaa ee aan sameystay. Waxayna ii sheegeen inaan kaliya heysan karo xubnaha ciidamadooda Amniga..” ayuu yiri Abiy Ahmed.
60% saraakiisha sare ee ciidamada dowladda Itoobiya ayuu sheegay inay ahaayeen Tigree, halka 40% kaliya ay ahaayeen Itoobiyaanka kale, arrintaas oo culeys ka dhigtay dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada Itoobiya. Wuxuu Tigreeya ku eedeeyay inay mas’uul ka ahayeen isku dirka Qowmiyadaha Itoobiya iyo dagaallada soo noqnoqday ee u dhaxeeya.
Mar uu hadal qaaday socdaalkii ugu horeeyay ee uu ku tegay dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayuu sheegay inuu socdaalkaasi hor istaagay madixii Sirdoonka Itoobiya ee xilligaasi isagoo u sheegay in Alshabaab ay weerar u diyaarisay, markii uu caddeyn ka dalbadayna uu keeni waayey.
Wuxuu sheegay in Tigreegu muddo badan halis ku ahaayeen jiritaanka Itoobiya, ayna diideen dhammaan isbdelkii uu ku sameynayay maamulka Itoobiya iyadoo ka hor yimid in la sii daayo maxaabiista siyaasadda.

“Codsigeenii ahaa in la dii daayo siyaasiga xirnaa ee Andargachew Tsige sidoo kale waxa si weyn u diiday TPLF, waxayna ii sheegeen in sii deytiisa ay tahay halis. Tani waxay dhalisay khilaaf. Waxaan aniga is weydiiyey: Yaa Ra’iisal wasaare ka ah dalkan hadda..?” ayaa ka mid ahaa khudbadii uu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya maanta ka jeediyey Baarlamaanka dalkaasi.
