Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dib ugu laabtay hoggaaminta dagaalka ka socda dalkaasi ee Gobolka Amxaaradda.
War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa lagu shaaciyey in Ra’iisul Wasaaruhu maanta dib ugu laabtay aagga dagaalka, isagoo hoggaaminaya dagaalka ciidamada Itoobiya iyo kuwa Amxaatadda kula jiraan jabhadda TPLF.
“Ciidamada isku dhafka ah ee Itoobiya oo uu hoggaaminayo Taliyaha guud ee ciidamada iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed” ayaa la wareegay ” Jidka Istiraatiijiga ah ee Woldia iyo Mekelle , waxayna qabsadeen dhowr magaalo oo kale,” ayuu lagu yiri war ay baahisay Wakaallada FANA ee taabacsan dowladda itoobiya.
Waxay sidoo kale sheegtay in maleeshiyaad badan oo ka mida TPLF lagu jebiyey dhowr jiho, kuwii ka badbaadayna ay dib ugu gurteen aagga laga qabsaday.
Dhinaca akle ciidamada Itoobiya ee dagaalka kula jira fallaagada daacadda u ah Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa qabsaday waddo istiraatiiji ah oo isku xirta magaalada Woldia iyo caasimadda Tigreega ee Mekelle.
