Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa caawa shaaciyey inuu hoggaaminayo dagaalka ay ciidamada dowlada Itoobiya kula jiraan Jabhadda reer Waqooyiga ee Tigray.
Qoraal uu soo saaray, kuna faafiyey baraha bulshada ayuu ku sheegay inuu wixii ka bilowda Berri uu hoggaamin doono dagaalka, isla markaana uu aaggaga dagaalka iska xaadirin doono, si loo jebiyo kooxaha ka horjeeda dowlada Itoobiya oo halis weyn ku haya caasimadda Addis Ababa.
“Berri wixii ka dambeeya waxaan u soo bixi doonaa Goobta dagaalka si aan u hoggaamiyo ciidamadadifaaca. Dhammaan intiina ku taamaysa in aad taariikhda Itoobiya ka mid noqotaan, u istaaga dalkiinna maanta; aan ku kulanno Aaggga dagaalka’ ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.
Arrintan ayaa timid markii dagaallo culus dhex mareen ciidamada Tigray iyo kuwa Itoobiya, isla markaana degaano cusub laga qabsaday cidiamada Itoobiya, taasoo halis gelineysa caasimadda Adis Ababa.

