Sunday, July 13, 2025

Agaasinkii Madaxtooyada ee Farmaajo oo shaaciyey inay la shaqeynayaan Xasan Sheekh

Qoraal kasoo baxay agaasimka Madaxtooyada Soomaalya ayaa lagu shaaciyey in xogta warbaahineed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud lagala socon doono.

“Maanta laga bilaabo, bogagga rasmiga ah ee Villa Soomaaliya ee mareegta internetka iyo Baraha Bulshada ayaa lagala socon doonaa Madaxweynaha cusubee xilka la wareegay. Sidoo kale, waxaa Keyd Qaran noqday xogta ku jirta Baraha rasmiga ah ee Madaxtooyada oo ilaa haatan lagu keydiyey xogta-warbaahineed ee Madaxtooyada tan iyo bishii May ee sanadkii 2011-kii” ayaa lagu yiri qoraalka agaasinkii hore.

Agaasinkii hore waxay caddeyeen inay la shaqeynayaan madaxweynah cusub. “Agaasinka, Madaxda iyo hawlwadeennada Madaxtooyada waxa ay soo dhaweeyaan Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xilka la wareegay, waxa ayna muujinayaan sida ay uga go’an tahay gudashada waajibaadkooda qaran ee ku aaddan dhismaha dowladnimada iyo difaaca danaha shacabka Soomaaliyeed”

No photo description available.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON