Bismillaahi Raxmaani Raxiim Marka hore waxaan salaamayaa Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.
Salaan ka dib Waxaan rabaa in ay shacabka Soomaaliyeed la wadaago in tallaabooyinkii uu qaaday Madaxweynahii hore Maxamed C/laahi Farmaajo ay yihiin isku day bareer ah oo lagu afgambinayo dowladnimada, Dastuurka iyo sharciyada dalka u yaalla.
Farmaajo ka sakow inuu shuruucda dalka ku xadgudbay waxa uu saaka weerar ciidan ku soo qaaday xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo xarunta Gollaha Wasiirada isagoo isku dayay in uu ka horjoogsado gudashada waajibaadkooda Qaran.
Ujeedada uu ka leeyahay tallaabooyinkan gurracan ee sharciga baal marsan waa in uu ku carqaladeeyo doorashada dalka ka socota si uu xafiiska ugu sii joogo si sharci darro ah ,si la mid ah isku daygii fashilmay ee bishii April.
Haddaba.
Maadaama uu madaxweynihii hore sida muuqata go’aan ku gaaray in uu burbuuriyo h ay’adaha dowladda, isagoo aan haysan sharciyad, waxan shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa: In Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo gudaneysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, gaar ahaan xilligan kala guurka ah, ay si buuxda mas’uul uga tahay hoggaaminta iyo hagista dhammaan howlaha hay’adaha kala duwan ee qaranka.
Sidaas darted waxaa farayaa dhammaan ciidamada qalabka sida in ay si toos ah uga amar qaataan xukuumadda, cid kasta oo ka hor timaadda amarkaan, waxaa si deg deg ah loola tiigsan doonaa sharciga.
Madaxweynihii hore oo ah musharrax madaxweyne, waxba ugama duwana musharixiinta kale ee xilkan u taagan, sidaas darteed ciidammadu kama qaadan karaan wax amar ah, maadaama uu doonayo in uu hay’adaha iyo awoodaha qaranka uga faa’iideysto musharaxnimadiisa, kuna burburiyo dowladnimada, haddii uu waayo dantiisa shakhsiga ah ah.
Taas oo ah waa waa boobaayaa ama waa bannadaa, caqligu ha shaqeeyo, sidaan doonayo hala ii yeelo ama dalkaan buburinayaa iyana taa ma shaqeyn doonto. Waxaan mar kale shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in ay iga go’an tahay in ay dalka ka dhacdo doorasho hufan oo horseedda in awoodda dalka si nabad ah lagula kala wareego, si looga baxo cakirnaanta siyaasadeed ee uu dalka galiyay Madaxweynihii hore.
Aniga shaqsi ahaan, waxaan hortiina ka caddeynayaa in aan marna u dul qaadan doonin in doorashooyinka dalka in la boobo, la dhaco, in sidii la doono laga yeesho. Waa xaaraan in awoodda dowladnimo lagu tagri-falo.
Ma aqbali doono doorashada aan masuulka ka ahay in cid kale gacanteyda loo isticmaalo oo lagu dhibaateeyo.Waxaan mar kale shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in doorashadu ay noqon doonto mid hufan oo caddaalad ah loona wada siman yahay.
Guddiyada waxa farayaa doorashooyinka ay ka wadaan goobaha kala duwan in ay noqoto mid daah-furan,kuna maamulaan si caddaalad ah,mana aqbali doono wax is dabamarin iyo eex , si dhow ayaanan ula soconayaa. Sidii aan horey u sheegay Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaranka wey imanayaan.
Waxa la diyaariyay tashiilaadka u fududeyn lahaa socdaalka ay ku imanayaan. Waxaa looga wadahadlayaa inshallah dardargalinta doorashooyinka, hufnaanteeda iyo dhameystirka doorashooyinka Halheyska maantu waa Doorasho haa. Agambi Maya.