Waxa magaalooyinka Muqdisho iyo Dhuusamareeb lagu soo gabagabeeyay doorashada xildhibaannada Golaha shacabka ee magaalooyinkaasi iyadoo lagu doortay 9 xildhibaan maalintii uu danbeysay ee loo qabtay in lagu soo afjaro doorashada.
MUQDSHO: Xildhibaannada Banaadiriga
Waxaa magaalada Muqdisho hal mar lagu doortay shanta kursi ee beelaha Benaadiriga, kadib muran weyn oo muddo ka taagnaa habka awood qeybsiga beelaha.
Kursiga HOP034: waxaa kusoo baxay Safiirka Soomaaliya ee dalka Pakistan Khadija Maxamed Al-makhzoumi, waxaana uu hore ugu fadhiyay xildhibaan Khaalid Macow.
kursiga HOP84: Waxaa ku guuleystay Taliye ku xigeenkii hore Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Maxamuud Cabdulqaadir Jeego oo ka mid noqday xildhibaannada Golaha Shacabka.
Kursiga HOP266: Waxaa kusoo baxay Guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg, waxaana hore ugu fadhiday Biibi Khaliif Maxamed.
Kursiga HOP105 oo waxaa isna kusoo baxay Cabdiraxman Cabdulqaadir Cadde
Kursiga HOP265: Waxaa iska kusoo baxay Maxamed Nuur Abuukar
DHUUSAMAREEB:
HOP012: Waxaa kusoo baxay Yuusuf Xeyle Jimcaale oo horee ugu fadhiyey kursigan markii coad gacantaag ah loo qaaday.
HOP048: Waxaa kusoo baxay Faa’iso Maxamed Jeyte, oo heshay codad gacantaag ah; waxaana kursigaan hore ugu fadhiyay Jeneral Cabdullaahi Gaafow Maxamuud.
Kursiga HOP#137: Waxaa kusoo baxay Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul), iyadoo uu hore ugu fadhiyey Saadaq Cabdi Kariin Xaaji Ibraahim.
Kursiga HOP071: Waxaa kusoo baxay Wasiirka Dekadaha & Gaadiidka Badda Galmudug CabdiSaabir Shuuriye oo kursigaan horay ugu fadhiyay.
