Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Roobe ayaa magacaabay Guddi Farsamo oo ka tala bixiya xal ka gaarista qalaalisihii ka dhacay Muqdisho ee ka dhashay muddo kororsigii Maxamed Framaajo iyo Aqalka hoose ee Baarlamaanka.
Guddigan oo ka kooban 11 xubnood ayaa isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano, oo ka kala socda Xukuumadda iyo Mucaaradka, waxaana ka dhex muuqda lix xubnood oo ka trisan xukuumadda iyo shan xubnood oo ay ku jiraan xildhibaanno aad ugu kacsan xukuumadda iyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday.
Qoraalka lagu magacaabay Guddigan oo la ogeysiiyey Maxamed Farmaajo iyo Fahad Yaasiinm ayaa xubnaha Guddiga laga magacaabay waxaa shaqadooda ka mida inay dib u celiyaan ciidamada qabsaday qeybo ka mida caasimadda.
1. Xasan Xuseen Xaaji
2. Xasan Xundubey Jimcaale
3. Mukhtaar Xuseen Afrax
4. Farxaan Cali Axmed
5. C/raxman Yusuf Caddaala
6. Cabdi Sheekh Axmed Rooble
7. Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
8. Senator Dhagey Geelle Ugaas
9. Senator Cabdi Aaden Dhuxulow (Dhagdheer)
10. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur
11. XildhibaanMahad Maxamed Salaad
HOOS KA AKHRISO QORAALKA

