Thursday, June 26, 2025

Akhriso: Magacyada iyo sida ay kusoo baxeen Lix xildhibaan oo lagu doortay magaalada Garowe

Waxa magaalada Garowe maanta ka dhacay Doorashada lix kursi oo ka mida Baarlamaanka Federaalka oo laga soo doorto maamulka Puntland.

Xildhibaannada kusoo baxay Doorashada ayaa ahaa dhammaantood kuwa cusub, iyadoo aanu midna kasoo laaban xildhibaanadii Baarlamaankii 10-aad ee kurastaasi ku fadhiyey. Sido kale doorashada ayaa cod loo qaaday 3 kursi , halka saddexda kalena ay ahaayeen gacantaag, tartankuna wuxu uahaa mid lasii ogaa natiijada.

Kursiga HOP192 oo ay hore ay ugu fadhiday xildhibaan Saciido Maxamed Xasan, waxaa kusoo baxay Maxamed Faarax Nuux oo helay 91 cod, halka musharrixii la tartamay ee Ruwayda Maxamuud Maxamed ay kaheshay 1 Cod , 2 Codna way xumaadeen.

Kursiga HOP094 waxaa hore ugu fadhiyay xildhibaan Axmed Ismaaciil Shabeel, waxaana laga dhigay kursi qoono haween ah, iyadoo ay kusoo baxday Sahra Cabdillaahi Cigaal oo heshay 87 Cod, halka Mushrax Fardowso Maxamed Aadan ay ka heshay 3 Cod, wxaaana xumaaday 7 Cod.

Kursiga HOP121 waxaa kusoo baxday Farxiyo Yuusuf Cumar, kadib markii ay tartanka isaga hartay Musharax Nimco Cumar Cabdi, waxaana Cod gacantaag dhammaan 101 ergo lagu taageeray Farxiyo Yusuf Cumar. Waxaa kursigan hore ugu fadhisay Canab Xasan Cilmi.

Kursiga HOP014 waxaa kusoo baxay Daa’uud Cabdikariin Sheikh Cumar oo helay 90 Cod, halka Musharax Cabdirisaaq Axmed Xuseen uu helay 3 Cod, 7 Cod. Kursiga oo loo bedelay kursi rag ayaa waxaa hore ugu fadhiday Xildhibaan Sacdiya Careys Ciise.

Kursiga HOP174 waxaa kusoo baxay Gacantaag 101 ergo loogu codeeyay Khadra Axmed Maxamed, markii ay tartanka ka hartay Musharax Leyla Cabdi Faarax oo la tartami laheyd. Waxaa kursiga hore ugu fadhiyey Burhaan Aadan Cumar.

Kursiga HOP075 waxaa cod gacantag ah isna kusoo baxay Cabdiqani Maxamuud Maxamed, kadib markii uu u tanaasulay Axmed Cabdiraxmaan Cilmi. 98 ergo ayaa gacantaag ku taageeray Cabdiqani Maxamuud Maxamed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON