Kadib booqashadii aan hore loo sii shaacin ee Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ku yimid magaalada Muqdisho 16-ka June 2018, waxaa baraha bulshada ee Soomaalida qabsaday dood ka dhalatay booqashada iyo war-murtiyeedka kasoo baxay Villa Somalia.
LEBISKA ABIY AHMED
Dad aan yareyn ayaa dood ka keenay lebiska uu xirnaa Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ahaa nooc ay Soomaalidu qaadato ee loo yaqaan “Futu-shaari”, waxayna dadka qaarkood u fasirteen markii haddii aanu soo xiran lebisyada lagu yiqiin ee madaxda inuu hoos u eegayo Soomaalida, una arko qeyb ka mida Itoobiya, doodaas oo marka dhinac laga eego yaab leh, waxay ahayd mid ay wadeen dadka caadiga ah.
MIIS-MADAXEEDKA SHIRARKA JARAA’ID [Podium]
Arrin kale oo la qaadaa-dhigay waxay ahayd in Madaxtooyada Soomaaliya laga waayay laba miis oo madaxweynaha Somalia iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ay kala istaagaan si ay shirkoodii jaraa’id ee wadajirka ahaa ula hadlaan saxaafadda.
Goobtii shirka jara’id waxaa ka soo muuqday hal miis oo kaliya, kaasoo la isugu yeeyay Madaxweynaha Somalia iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya. Diblomaasi hore ayaa baraha bulshada isku weydiiyey waxay ahayd duruufta ku kaliftay qolayaha hab maamuuska madaxtooyada inay hal miis meesha soo dhigaan..?
Dadkii ugu darnaa waxay arrinta la aadeen inuu madaxweynaheenu u muuqday qof kaaliye u ah Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, halka taageerayaasha dowladda ay kasii xag jirsanaayeen oo khalad iyo saxba ay ku taageereen dowladooda.
QODOB LAGA QEYLIYEY
Siyaasiyiinta iyo waxgaradka waxaa u muuqday qodobka 7-aad ee war-murtiyeedka labada dal oo ay sheegeen inuu loo qoray si tuhun ku jiro, kaasoo muujinaya dekado ay wada leeyihiin Itooobiya iyo Soomaaliya, waxaana dadka arrintan ka hadlay ku jira xildhibaanno iyo wasiiro hore oo dowladda ku dhaliiley inay si bilaash ah Itoobiya ku siisay dekadaha dalka.
7.Qodobka todobaad oo la isla soo hadal qaaday ayaa waxaa kamid ah dhiirogelinta maalgaashiga,gaar ahaan ilaa 4 dekedood, waxaa ay isku raaceen in si wada jir ah loo maalgashado ilaa afardekadood oo muhiim ah oo kuyaala Soomaaliya, dhismaha waddooyinka isku xira Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana la dhisidoonaa guddi farsamo oo ka shaqeeya hirgelinta qodobada lagu heshiyay.
Arrintan waxa laga sameeyay sheeko ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay Imaaraadka ka diido maalgashiga dekadaha Somaliya iyadoo si aan shuruud lahayn ama ciid mubaarak ahaan u siisay Itoobiya.
SHEEKADA HOOS KA AKHRI
Saaxiibkeey ayaa sheekadan i xusuusiyey: boqor ayaa gabadhiisa la jeclaaday saaxiibkiis, balse wuu iska diiday! Amiiraddii nin kale ayaa guursaday. Ayaan kaddib ayuu ninkii, oo kusoo baraarugay fursadda uu lumiyey, wuxuu soo doontay jaariyaddii (adeegtadii) boqorka!