Alshabaab ayaa weerarro qaraxayo iyo toos ah saacadihii la soo dhaafay ku dishay dad shacab iyo ciidamo isugu jira xilli Soomaalida oo dhan ay ku mashquulsanaayeen Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo go’aankeeda soo baxayey.
Qarax Miino iyo weerar toos ah oo wada socda ayey Alshabaab ku qaaday gaadiid ay la socdeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Hay’adda NISA oo marayay Gobolka SH/Hoose, gaar ahaan meel u dhow Beerta Cali Mahdi ee ku beegan duleedka degmada Deyniile.
Weerarka ayaa loo adeegsaday Miino lagu qarxiyey Gaari Cabdi Bille ah oo uu la socday Taliyihii Nabadsugidda degmada Deyniile Farxaan Nuur Raage, waxaana la sheegay inay ku dhinteen Taliyaha iyo 11 askari oo la socday. Taliyihii Ciidamada Duufaan ayaa sidoo kale la sheegay inuu ku dhaawacmay.
Alshabaab ayaa sheegatay inay Weerarkaasi ku gubtay Gaari Cabdi Bille ah, iyadoo ku dishay 12, kuna dhaawacday 13 kale oo saraakiil ku jiraan.
Weerar kale oo is-miidamin ah ayaa ayey Alshabaab ku qaaday Maqaaxi Shaah oo ku taalla isgoyska Fagax, degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho. Qaraxa waxaa ku dhintay 5 qof, iyadoo lix kale ay ku dhaawacmen, waxayna goobta la beegsaday ay ahayd goob ay dad shacabk ah isugu yimaadaan.
Weerar kale oo khaarijin ahaa ayey isla Alshabaab sheegtay, kaasoo shalay ka dhacay Jidka Warshadaha, kuna sheegtay inay ku dishay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda iyo askari la socday.
Ma jirin wax War ah oo kasoo baxay Hay’adaha Amniga dowladda Federaalka oo ku saabsan weerarrada Alshabaab ka fulisay Muqdisho saacadihii lasoo dhaafay.
