Thursday, July 3, 2025

Alshabaab oo Muqdisho ku weerartay Goobo Daroogada lagu iibiyo iyo Dad lagu dilay

Alshabaab ayaa sii xoojisay weerarrada iyo beegsiga ay ku heysto xarumo la sheegya in lagu iibiyo Daroogada iyo Ciyaal weerada ka kacay Caasimadda Muqdisho, kadib howlgal ay ku dhawaaqday inay ku qaadeyso dhowaan.

Howlgalkii labaad oo ahaa qaraxyo ayey Ashabaab sheegtay inay ka fulisay xarun lagu keydiyo Maandoorashoyeyaasha, sida xashiishka iyo Khamriga ee degaanka Lafoole, degmada Afgooye, halkaas oo saaka laga maqlay qaraxyo.

Dhinaca kale caawa ayaa dabley hubeysan waxay weerarro khaarijin ah iyo qaraxyo ka fuliyeen xarumo ku ka yaala Isgoyska Fagax iyo Xaafadda SiiSii, ee degmooyink Yaaqshiid iyo Kaaraan.

Wararka ayaa sheegaya in xarun ku yaalla Isgoyska Fagax lagu dilay nin lagu magaciisa lagu soo koobay Cabdifitaax oo ahaa milkiilaha Goobta la weerray iyo laba xubnood oo kale, iyagoo lagu sheegay inay ahaayeen gancastada waaweyn ee Daroogada.

Waxaa magaalada Muqdisho si weyn looga dareemay falalka dilka iyo qarxinta ee Alshabaab ku bilowday Dadka Daroogada ka Ganacsada iyo Ciyaal-weerada, iyadoo Hay’adaha Amniga ee Dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir ay u caal waayeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON