Alshabaab aya sheegatay weerar ka dhacay duleedka Magaalada Mandheera ee W/Bari Kenya, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan weerarkaasi oo qasaare kala duwan dhaliyey
Weerar jidgooyo ah ayaa la sheegay in loo dhigay ciidamo ka tirsan Kenya oo watay gaadiid kolonyo ah, waxaana iska hor imaad ku dhex maray degaanka Ceelraam ee Mandheera ciidamada Kenya iyo maleeshiyada Alshabaab ee weerarka qaaday, iyadoo ciidamdaasi ku sii jeedeen degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Alshabaab ayaa shaacisay in weerarkaasi ay qasaare lixaad leh ku gaarsiiyeen ciidamada Kenya, kana dileen 9 askari, iyagoo gubay dhowr gaadiid oo kuwa ciidamada ah. laakiin saraakiisha ciidamada Kenya ayaa laga soo xigtay inay iska caabiyeen weerarka Alshabaab.