Wednesday, June 25, 2025

Alshabaab oo War kasoo saaray Qaraxa lala beegsaday Xildhibaan C/qaadir Carrabow & Qasaaraha..

Alshabaab ayaa war soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda Qarax Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho oo lala beegsaday xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, balse uu ka badbaaday.

Warka kasoo baxay Xarakada AlShabaabulayaa lagu sheegay in Qaraxa lagu beegsaday Gaadiid uu la socday Xildhibaan C/Qaadir Carraboow oo ka mida Baarlamaanka dowladda, iyadoo Qaraxu haleelay Gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen ciidamadii ilaalada u ahaa Xildhibaanka “Mujaahidiinta ayaa caawa qarax ku beegsaday gaari ay la socdeen maleeshiyaadka ilaalada u ahaa Xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya, qaraxa oo laga fuliyey wadada Makka Al Mukarrama waxaa ku dhintay 3 askari oo kamid ahaa ilaalada xildhibaanka badbaaday” ayaa lagu sheegay warka kasoo baxay AlShabaab.

Qaraxan ayaa jugtiisa laga maqlay xaafadaha Muqdisho, waxaana xildhibaanka la beegsaday uu saarnaa gaari nooca aan xabaddu karin ah, iyadoo qasaare xoog leh uu soo gaaray ilaaladiisa iyo gaarigii ay wateen, waxaana weli wax war ah kasoo saarin qaraxa caawa ka dhacay Isgoyska Xaaji Baasto ee jidka Maka Almukarama hay’adaha Amniga dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON