Thursday, December 8, 2022

Alshabaab oo Weerar ku qaaday Saldhigga ciidamada dowladda ee Burdaar iyo Qasaaraha…

Faahfaahin dheeraad ah ayaa aga helayaa weerar culus oo Alshabaab saaka ku qaadeen saldhigga ciidamada dolwdda ee degaanka Burdaar ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo ahaa mid kedis ah ayaa wararku sheegayaan inuu ku dhowaad saac socday, waxaana dowladda Soomaaliya aya dagaalkaasi ka sheegatay guul, iyadoo lagu dilay tiro ka mida Alshabaabkii weerarka qaaday.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Jen. Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in Ciidamada ay ka war heleen Werarka Alshabaab ayna ka dileen 12 ka mid ah dagaalyahanada kooxda, kadibna uu dhacay dagaal kale oo baacsi ah.

Ad

Jen. Caanood ayaa dhinacooda qirtay inay weerarka uga dhaawacmeen 3 Askari, weerarka ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ee Burdaar oo ah degan yihiin ciidamada Gorgor.

Alshabaab ayaa dhinacooda Guulo ka sheegtay weerarka Burdaar, waxayna soo saareen war ay ku sheegeen inay dileen 31 askari oo Turkigu tababarray. Ma jirto cid madax bannaan oo xaqiijisay qasaaraha ka dhashay weerarka oo ahaa mid ay Maleeshiyada Alshabaab qaadeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!