Thursday, December 8, 2022

Sirdoonka Somaliya iyo Itoobiya oo kala saxiixday heshiiskii ugu horeeyay ee rasmi ah (Akhriso)

Hay’adaha Sirdoonka dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiikii ugu horeeyay ee wadashaqeyn rasmi ah oo dhex mara, kadib wadahadal labada dhinac ku dhex maray magaalada Addis ababa.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Ethiopia (NISS) Temesgen Tiruneh Dinku ayaa heshiiska maanta kala saxiixday.

Labada Hay’adood ayaa ku heshiiyay, inay yeeshaan wadashaqeyn ku sabaasan is-dhaafsiga xogaha muhiimka ah iyo xoojinta dagaalka wada jirka ah ee kooxaha Argagixisada.

Ad

Labada Hay’ad ee Sirdoon ee Soomaaliya iyo Ethiopia oo dareensan muhiimadda ay labada wadan u leedahay ciribtirka kooxaha Argagixisada ayaa caddeeyay inay inay ka go’an tahay in ay horseed u noqdaan in Argagixisada laga sifeeyo Geeska Afrika.

Heshiiskan ayaa ka dambeeyay socdaalkii madaxweynaha ku tegay dalka Itoobiya, iyo kulan Muqdisho ku dhex maray agaasime xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya iyo Agaasimaha NISA.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!