Sunday, July 13, 2025

Alshabaab oo Weerarro ka fuliyay Jubbaland, K/Galbeed iyo Hirshabeelle (Warbixin)

Alshabaab ayaa maanta weerarro is barbar socda ka fuliyey magaalooyin ka tirsan saddexda maamul Goboleed ee Jubbaland, K/Galbeed iyo Hirshabeelle, iyadoo maalin ka hor qasaare badan lagu gaarsiiyey weerar ciidamada dowladda ku qaadeen degaan ka tirsan Galmudug.

Alshabaab ayaa sheegatay in maleeshiyo ka tirsan ay saaka aroortii hore weerar culus kula kalaheen degaanka Sabiid iyo Canoole ee duleedka degmada Afgooye Sh/hoose, iyagoo sheegtay inay weerark ku fureen Gaadiid waxyaabaha qarxa lagasoo buuxiyay oo is-miidaamiyeyaal wadeen, isla markaana ay la wareegeen tuulada Sabiid.

Dhinaca kale War kasoo baxay Dowladda Federalka ayaa lagu sheegay in ilaa 18 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ah lagu dilay, tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ay ka sameeyeen degaanka Sabiid ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Weerarka ayaa lagu beegsaday Gaari nuuca loo DAINA iyo Geedo hoostooda, kadib maleeshiyaadkii Ashabaab ee Saaka aroortii weerarka ku qaada Xero ciidamada Qaranka ay ku leeyihiin degaanka Sabiid, iyadoo lagu dilay dhammaan maleeshiyaadkii saarnaa Gaariga la beegsaday iyo kuwii ku jiray dhulka keynta.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa sakaa weerar kale ku qaadya xero ciidan oo ku taalla degmada Afmadow ee Gobolka J/Hoose, waxaana guulo ka sheegtay ciidamada Jubbaland; Halka Alshabaab ay sheegteen inay la gaari oo is-miidaamin ah ku weerarreen ciidamada la diyaarinayey, qasaare lixaad lehna ay gaarsiiyeen.

Weerar kale ayaa isla maanta ka dhacay degaanka CeelBacad ee Gobolka Sh/dhexe, Hirshabeelle, halkaas oo dagaal culus iyo weerar toos ah uu ku dhex maray ciidamada dowladda iyo Maleeshiyada Alshabaab.

Dagaalka Ceelbacad oo Taliska ciidamada dowladda aanu faahfaahin ka bixin ayaa la sheegay in lagu dilay Taliye Ilyaas Filfil, saraakiil iyo ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON