Mamulka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo iyo musharixiinta golaha shacabka aysan ciidan iyo hub kala degi karin magaalooyinka Baydhaba iyo Baraawe.
Amarkan oo kasoo baxay Wasaaradda Amniga K/Galbeed aaa ayaa ka danbeeyay, kadib markii maanta Garoonka Muqdisho lagu celiyey guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Federaalka C/weli Ibraahim Muudey oo u tartami laha kursiga uu hadda ku fadhiyo.
HOOS KA AKHRISO AMARKA
Ujeedo: Amar ku saabsan amniga doorashada
Iyadoo la dhowrayo xuquuqda Dastuuriga ah ee musharaxiinta taas oo ah in muwaadin kasta la dooran karo waxna dooran karo.
Si ay u helaan xaquuqda amni ay leeyihiin tartamiyaasha si aysan u dhicin qalqal amni hakin kara Doorashada.
Iyadoo la fulinayo qodabadii ka soo baxay shirkii Golaha wadatashiga qaran kaas oo ku saabsanaa in aysan ciidamada ku milmin siyaasadda. Hadaba wasaarada amniga gudaha DGKGS waxay amar ku bixineysaa:
– In aan lagu soo dejin Karin hub iyo ciidan ay wataan musharaxiinta dooneyaan in ay u tartamaan xildhibaanimada Golaha Shacabka.
– In aan lala soo geli karin goobaha doorashada hub iyo ciidan aan ahayn kuwii loogu talagalay sugida amniga doorashada.
Wasaarada amniga gudaha DGKGS waxay muwaadininta doonaya in ay u tartamaan ka mid noqoshada Golaha Shacabka u cadayneysaa inay sugayaan amnigooda sida hadaba ay uga guuleystayn sugida amniga kuraastii la doortay.
Uga dambeyn hay’addaha amniga waxaa la fareyaa in ay fuliyaan awaamiirtan ay soo saartay wasaarada Amniga Gudaha ee DGKGS.
Isaaq Cali Subug
Wasiirka Amniga Gudaha ee DGKGS

