Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda lagu dilay Gudaha Suuqa Bakaaraha, iyadoo la socday Gaari yar oo nooca raaxada ah.
Falka dilka ah ayaa ka dhacay agagaarka Suuqa khudaarta ee Magaalada Muqdisho, iyadoo koox dabley ah oo Bistoolado ku hubeysan ay weerar ku qaadeen askartan oo Gaariga wadatay, kuwasoo midkood uu ahaa Minishiibiyada dowladda hoose ee Muqdisho.
Ciidamada Amniga ayaa gaaray goobta weerarku ka dhacay, iyadoo ay baxsadeen dableyda, isla markaana waxaa halkasi laga qaaday meydkii askarta si baaritaan loogu sameeyo .
Dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ayaa joogto ka ah magaalada Muqdisho, iyadoo aysan muuqan in hay’adaha amniga ay wax ka qaban karaan.