Tuesday, June 24, 2025

Askar ka tirsan Haramcad oo la xiray kadib markii ay soo duubeen muuqaal Aflagaado ku ah madaxda Ahlu suna..

Askar ka tirsan ciidamada Booliska dowladda Soomaaliya ee Haramcad ayaa la xiray kadib markii ay muuqaal ay soo duubeen ku baahiyeen baraha bulshada, iyadoo aflagaadeynaya madaxda Ahlu suna.

Muuqaalkaas oo si weyn loogu baahiyey baraha bulshada ayey askartaasi oo gaareysay ilaa 4 waxay si jeesjees ah uga hadlayeen dagaalkii ka dhacay xarunta INJI ee Ahlu suna, iyagoo magacaabay madaxda Ahlu suna, siiba Sheekh Axmed Shaakir iyo Macalin Maxamuud, iyadoo siyaasiyiinta qaarkood ay muuqaalkaasi adeegsadeen si ay ugu cambaareeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo hab dhaqankooda.

Taliyaha ciidamada Booliska ee Haramcad Farxaan Maxamud Qaroole ayaa wax yar kadib caddeyn iyo raaligelin ka bixiyey falk ay ku kaceen askartaasi, wuxuuna sheegay in la xiray oo tallaabo sharci ah laga qaadi doono, sida uu ku faafiyey baraha bulshada.

“Bismillaah… Cadeyn iyo Raali Galin: Dhalinyaro ka tirsan Ciidamada ee sida gaarka ah u tababarran ee Haramcad ayaa waxay Gaf iyo Aflagaado u geysteen Mas’uuliyiinta Ahlusuno iyo Gabi ahaanba Shacabka ku dhaqan Caasimada Galmudug Dhuusamareeb… Kadib markii aan aragnay Muuqaalkii anshaxdarrada xanbaarsanaa ee ay dhalintaan iska soo duubeen; waxaa Gebi ahaanba Jeelka la dhigay Dhalinyaradaan iyadoo lamarsiin doono Sharciga iyo Qaanuunka Dalka uyaalo… Gudo Howsha laguu igmaday oo kaliyeh.. ” ayuu farriintiisa ku yiri Taliyaha ciidamada Haramcad Farxaan Qaroole.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON