Saturday, April 20, 2024

Axmed Fiqi oo ku baaqay in la taageero howlgalka milateri ee lagu baacsanayo madaxda iyo ciidamada Tigreega

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa Soomaalida ugu baaqay inay taageeraan soona dhoweeyaan howlgalka Milareri ee ka socda Gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya.

“Waxaa ila haboon in dadka Soomaaliyeed ay soo dhoweeyaan hawlgalka ciidan ee lagu baacsanayo madaxdii iyo ciidamada Tigreega ee dambiyada dagaal ka geystay Soomaaliya 20-kii sano ee u dambaysay si gaar ah sanadihii 2007 & 2008..” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wuxuu sheegay in Tigreegii madaafiicdooda iyo gaboodfalkoodu uu kala gaaray geeska Afrika si gaar ah bartamaha iyo koofurta Soomaaliya, iyagoo ka geystay xasuuq aan loo meel-dayin, burburin magaalooyin camiran iyo barakicin malaayiin shacab ah, wuxuuna farriintiisa ku yiri: “Waxay maantay ku waajahayaan gurigoodii xaalad adag iyo ciqaab-daran oo la mid ah tii ay umadaha kale badeen”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON