Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay xaaladda Doorashada iyo xaaladda Galmudug iyo khilaafka madaxda dowladda Federaalka.
Isagoo magaalada Kismaayo kula hadaly saxafiiyiinta kadib kulan uu la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka ayuu kusoo qaaday xaaladda kasoo korortay Galmudug, isagoo caddeeyay inay tahay caqabad kale.
“Waa nasiib darro iyadoo kuwii hore aan xal u la’ nahay inay caqabad kale kasoo kororto Ahlu Suna iyo Galmudug. Galmudug waa State sharciyad ku dhisan, madax la doortay leh. Wax kastoo caqabad ah oo maanta lagu kiciyo xalka qeyb kama noqoneyso..” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Wuxuu ku baaqay in la joojiyo gacan ka hadalka iyo caqabadaha dhibaatadda ku ah maamulka dowladnimada, wuxuuna dhinaca kale ku baaqay maamulka Doorashada loo madax bannaaneeyo Ra’iisal wasaaraha.
Doorashadii xubnaha ka harsan Aqalka Sare ee Jubbaland ayuu sheegay inay dhaceyso Isniint Berri, ayna tajo badan ka qabaan in si dedgeag loo guda galo Doorahsada Golaha Shacabka.
