Sunday, July 6, 2025

Axmed Madoobe: “Madaxda Dowladda Federaalka ma jiraan wax ay uga duwan yihiin Alshabaab…”

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka hadlay xiriirka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulkiisa Jubbaland, isagoo khudbad ka jeediyey furitaanka kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka maamulkiisa.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ka dhalatay Febraayo 2017 aysan waxba ka duwaneyn oo ay la mid tahay Alshabaab, dhaqankeeduna yahay in qofkii rabitaankooda ka horjeeda ay ka dhigaan camiil iyo khaa’inul wadan sida Alshabaab qofkii ka hor yimaada ugu xukmin jireen Murtadnimo.

Axmed Madoobe oo khudbad ka jeedinayey furista kalfadhig labaad ee Baarlamaankiisa ayaa sheegay in madaxda Dowladda hadda jirta aysan waxba kala socon wixii uu dalkan soo maray, ayna dalka ka qaxeen, soona laabteen xilli xaaladu degan tahay.

“Dowladda Federaalka ee maanta jirta, haddii sida ay rabto iyo riyadeeda aad ka hor timaado.. waxay leedahay camiil ayaad tahay, khaa’in wadan ayaad tahay..” ayuu yiri Axmed Madoobe oo sheegay inaysan waxba uga duwaneyn Alshabaabka dadka ka hor yimaada gaaleysiiya.

Wuxuu si kulul ugu eedeeyay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya inay burburiyeen maamul Goboleedyada, kana dhigeen mid ay lacag siiyaan iyo mid ay danahooda ku wataan. “Lacag qaado, sidan yeel,.. maya.. ra’yi ma lihid.. wiilasha yaryar e amarkaa i siinaya xitaa dowladnimo waxba kama yaqaanaan.. lacagta lala ordayo maxay tahay..? Hadaan maanta lacag qaado oo 20 Milyan Doolar qaato waxaa iiga qiime badan Jubbaland..” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay in Madaxda dowladda Federaalka ay burburiyeen dhammaan nidaamkii dowladnimo. “Baarlamaan ma shaqeeyo, garsoor ma jiro, system-kii oo dhan ayaa la burburiyay, faragelin ayey ku sameeyaan doorashadii maamul Gobleedyada, ma jiro cid taqaan yaa xukuma dalka..”

Wuxuu sheegay inaysan Soomaaliya ka jirin dowlad wax lagu aamino, wuxuuna ugu baaqay in Turkiga uu joojiyo tababarka uu siinayo ciidamada dowladda Soomaaliya, Dowladda Qadar ay joojiso lacagta ay bixineyso, Itoobiyana wuxuu ugu baaqay inay joojiso sarakiisha ay soo direyso.

Dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay shuruud la’aan ciidamadeeda ugala baxdo Gobolka Gedo oo miiska wadahadalka la isugu yimaado.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON