C/weli Gaas oo dib ugu laabtay Puntland iyo Madaxweyne Deni oo kulan la yeeshay.. (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa markii ugu horeysay tan iyo intii uu xilka ka tegay dib ugu laabtay Puntland.

C/weli Gaas oo ka qeyb galay shirkii Madasha Xisbiyada Qaran ee mucaaradka ah ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garowe, iyadoo uu garoonka kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland C/rashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiilada C/casiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Ad

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa qaabilay Madaxweynihii hore ee C/weli Gaas, waxayna kulan kooban ka yeesheen xaaladda Puntland, iyadoo Gaas ka mid yahay madaxda ka qeyb galeysa shirka wadatashiga Puntland ee uu ku baaqay madaxweynaha Puntland, kaasoo dhici doona 15-ka Bishan Maarso.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

141,607FansLike
1,375FollowersFollow
4,716FollowersFollow
141,607FansLike
1,375FollowersFollow
4,714FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN