Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ee doorashadiisa muranka ka taagan yahay ayaa cambaareeyay tallaabooyinka dowladda Somalia ka qaadatay maamulkiisa iyo shirkii Madasha Iskaashiga ee Somalia ee Muqdisho lagu qabtay.
Axmed Mmadoobe oo ka hadlayey Doorashadii Jubbaland ayaa sheegay inay filayeen heshiis laga gaaro khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka. laakiin ay dhacday in dowladda Federaalka ay cunaqabateyn ku soo rogtay dadka ku nool Jubbaland,, wuxuuna sheegay inay soo dhoweynayaan cid kasta oo wadahadal dooneysa,laakiin aysan aqbali doonin in nabadgalyada wax loo dhimo.
Wuxuu caddeeyay in xayiradda Xukuumada Federaalka iyo cunaqabataynta ay saartay Jubbaland ay naftoda ku waayeeen sida uu yiri dad shacab ah ayna kula xisaabtami doonaan dowladda Federaalka iyo madaxdeed. isagoo cambaareeyy in maamulkii hawada Soomaaliya aysan Xukuumada Federaalku masuul ka noqon karin, mar haddii ay u adeegsaneyso arrimo siyaasadeed oo lagu dhibaataynayo dadka shacab ah.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhinaca kale cambaareyeye go’aankii go’aanka garoonka diyaaradaha Muqdisho looga celiyay Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, isagoo ku tilmaamay inuu ahay xadgudub iyo ku tumasho sharciga iyo Dastuurka dalka.
Isagoo ka hadlayay shirka kasocda Magaalada Muqdisho ee Beesha Caalamka iyo Dowlada Federaalka ah u dhexeeya ayuu Madaxweynahu sheegay in hanaan siyaasadeed oo loo dhan yahay aanu dalka ka jirin, sidaas darteedna wax walba oo shirkaas kasoo baxa ayna anfacaynin dadka Soomaaliyeed loona baahan yahay kahor in arimaha masiiriga ah heshiis laga gaaro sida Doorashooyinka iyo dhamaystirka dastuurka.
Shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Muqdisho ayuu sheegay in arrinta Deyn Cafintu aysan dhaqangeli karin, iyadoo Madaxda Villa Soomaaliya joogta ay ku tumanayaan sharcigii dalka.