Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar muddo qaatay oo uu ku joogay dalka Kenya, waxaana si weyn loogu soo dhoweeyay halkaasi.
Soo dhoweyn dhoolatus ah oo si weyn loo agaamisay ayaa Axmed Madoobe loo sameeyay, isagoo ka hadlay safarkiisa iyo arrimaha doorashada maamulka uu hoggaamiyo, wuxuuna sheegay in Doorashada Jubbaland loo baahan yahay si wadajir ah in loogu dadaalo sidii nabadgalyo iyo deganaan ay ugu dhici lahayd, iyadoo looga danbeynayo Guddiga xuduudaha iyo Doorashooyinka oo howshaas gacanta ku haya.
Dhinaca kale Guddiga Doorashooyinka maamulka Jubbaland ee uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa soos aaray jadwalka doorashada, iyagoo sheegay soo xulista xildhibaannada baarlamaanka lasoo gabagabeyn doono 13-ka Ogost, halka Madaxweynaha la dooran doono 30-ka Ogost 2019.








