Madaxweynaha Dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, balse ay sharci darro ku tilmaantay dowladda Federaalka ayaa qabtay shirkiisii jaraa’id ee ugu horeeyay intii la doortay isagoo faahfaahin ka bixiyey khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka iyo xaaladda Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladii lasoo dhigay 2017 ay noqotay mid lagu hungoobay oo burburisay dhammaan horumarkii ay gaartay dowladii hore ee federaalka, la-dagaalanka Alshabaab iyo burburinta maamul Goboleedyada, wuxuuna weerar kulul ku qaaday dowladda madaxweyne Farmaajo iyo tallaabooyinka ay qaaday si ay ula dagaalanto maamulkiisa, wuxuuna taxay qodobada ay ka mid yihiin:
Maxaa ka danbeeyay Doorashadi Farmaajo
1- Amnigii oo burburay, farahana ka baxay – Qaraxyadii ugu badnaa oo Muqdisho ka dhacay isu socodka oo yaraaday
2- Qaab dhismeedkii Ciidamadii oo burburay
3- Federaalka oo la diiday, lana burburiyey; waxay hadda mareysaa in meel hoose laga soo bilaabo
4- Cunaqabteyn dhaqaale– oo la saaray Somalialnd iyo maamullada si culeys loogu saaro inay yeelaan rabitaantooda
5- Rajadii Dowladda lagu qabay oo lagu hungoobay
Axmed Madoobe ayaa sheegay in wasiirka Amniga Jubbaland loo xiray arrimo dano gaara, isla markaana loo yeeray beeshiisa oo laga dalbaday in la burburiyo Jubbaland, wuxuuna cadeeyay in wasiirka loo yeeray, kadibna la xiray, iyadoo gorgortan lala galayo. “Dowladii Soomaaliya ma Ma-gafe ayay noqotay..? ayuuna is weydiiyey, isagoo daba dhigay: “Wasiir C/rashiid waxaa lagu xiray inuu diiday burburinta Jubbaland..” .
“Waxa Villa Somalia ka socda, waxay Soomaaliya dib ugu celin doontaa 1991 iyo dagaaladii sokeeye..” ayuu yiri Axmed Madoobe oo ka hadlay cunaqabteynta ay dowladda Federaalka u soo rogtay Kismaayo, isagoo sheegay in tacadiyo ay gesyteen madaxda dowaldda ay kiisas dacwad ka diyaarin doonaan.
HOOS KA DAAWO KHUDBADIISA