Xukuumadda Soomaaliya ayaa Baarlamaanka Federaalka u gudbisay xisaab-xirka miisaaniyadda sanadkii 2018 oo maanta ka mida ajendaha hor yaalla Baarlamanka Federaalka.
Ajendayaasha maanta hor yaalla xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa ka mida akhrinta koowaad ee xisaab xirka Miisaaniyadda sanadkii 2018-da, waaa kaloo ka mida ajendayaasha iyo akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka Daawada.
Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Maaliyadda ayaa lagu wadaa inay xildhibaannada u sharxaan Xisaab xirka Miisaaniyadii 2018 oo hore muran weyn uga dhashay, taasoo keentay in loo kala diro Guddigii Baarlamaanka ee Maaliyadda, waxaana lacago maqan shaaciyey hanti dhowrka guud ee Qaranka.
2-dii Novembar 2019 ayey ahayd markii xildhibaannada Baarlamaanka ansixiyeen Xisaab-xirka miisaaniyadda 2017 oo xildhibaanada qaarkood sheegeen in laga waayey lacag ku dhow 40 Milyan oo Doolar, waxaana hadda la filayaa inay ansixiyaan Xisaabxirka miisaaniyadda 2018 iyadoo dood badan ka taagan tahay sidii ay ku baxday.
Dib u dhaca xisaab-xirka miisaaniyadda Dowladda ayaan wax isbedel ah ku dhicin, iyadoo la ogyahay in xukuumadii ka horeysay ee dowladii Xasan Sheekh Maxamuud ay xilka ka degtay iyadoo ay ku maqan tahay laba xisaab xir sanadihii 2016 & 2106, xilligaas oo hanti dhowrkii Qarnka uu sheegay inaan la xisaab celin labadaas sano lacag dhan 110 Milyan oo Doolar.
Xisaab-xirka dowladda ayaa gaaray heerkii ugu xumaa dowad cusub intii uu talada qabtay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxayna ku qaadatay xukuumadda Xasan Cali Kheyre muddo laba sano ka badan inuu Baarlamaanka geeyo xisaabxirka miisaaniyadii ugu horeysay ee xukuumadiisa sanadka 2017.