Urur Goboleedka IGAD ayaa faragelin ku sameeyay Doorashada Jubbaland ee la filayo inay aakhirka bishan dhacdo, kadib is mari waa ka dhex taagan Axmed Madoobe iyo musharixiinta la tartamaya, iyadoo dowladda Federaalka ka horjeedo qaabka loo wado Doorashada maamulkaasi.
Wafdi uu hoggaaminayo wakiilka IGAD ee Somalia Mohamed Ali Guyo ayaa maanta tegay Magaalada Kismaayo, isagoo kulamo la leh Madaxda maamulka Jubbaland, Guddiga Doorashada, Musharixiinta iyo Odoyaasha soo xulaya Baarlamaanka ee ku sugan magaalada Kismaayo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Wafdiga IGAD ay ka daba tegi doonaan wakiilada kale ee Beesha caalamka sida Midowga Afrika, Qaramada Midoobe iyo dalalka UK iyo US.
Wafdiga Maxamed Cali Guyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD aaay caawa ku hoynaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubbaland, waxaana la filayaa inuu la kulmo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam..