Beesha Caalamka ayaa ku guuleystay inay shir isugu keento madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, kaasoo Sabtida 3-ta April ka dhacaya xarunta Afisyoone ee magaalada Muqdisho.
Shirkan oo yimid kadib cadaadis weyn oo ka yimid Golaha Amniga Q/Midoobay iyo Beesha Caalamka ayaa noqonaya shir hordhac ah sida ay dalbadeen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kaasoo looga hadlayo heshiis laga gaaro khilaafkaadka hortaagan Doorashada iyo Ajendaha shirkii Wadatashiga.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Xilgaarsiinta Cismaan Dubbe ayaa markii uu warkaasi soo baxay barasha bulshada ku qoray inuu shirka isugu yeeray Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, laakiin waxaa la ogyahay inay shirka qeyb ka yihiin wakiilada beesha Caalamka oo ay dhinacyada cadaadis ku saareen inay is hor fariistaan.
War kasoo baxay Madaxtooyada Puntalnd ayaa lagu yiri: “Dowladda Puntland waxay soo dhoweysay dadaal ay waday Beesha Caalamka oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku xeeran arrimaha Doorashada, waxaana lays la gartay in Sabtida 03 April 2021, ay Madaxda DFS iyo Dowladaha Xubnaha Ka DFS isugu yimaadaan Shir hordhac u noqda Shirka wadatashiga arrimaha doorashada”
Qoraalka Madaxtooyada PUntalnd ayaa lagu soo gabagabeeyay: ” Shirkan oo ay qaban qaabisay Beesha Caalamka ayaa ujeedkiisu yahay si Madaxda Soomaaliyeed ay is afgarad uga gaaraan ajandaha Shirka iyo sida ugu habboon ee uu u qabsoomayo Shirka wadatashiga”.
