Beesha caalamka ayaa si buuxda u soo dhowey magacaabidda Guddiyada Heer Dowlad Goboleed ee Hirgelinta Doorashada Jubaland iyo Puntland, ee la soo bandhigay 27ka bisha Janaayo.
Qoralka Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in inkastoo ay soo daahday, tallaabadan wanaagsan ay haddana gacan ka geysan karto abuuridda jawi degdeg loogu hirgeliyo hanaanka doorashada ee heshiiskii 17kii Sebtembar si loo wada dhanyahay oo la isku raacsanyahay.
“Saaxiibada beesha caalamku waxay si buuxda u taageerayaan soo jeedinta ah in si degdeg ah loo qabto kulan dhexmara madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, si loo xalliyo arrimaha hirgelinta doorashada ee harsan si horey loogu socdo qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhanyahay..” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka wadajirka ah ee Beesha Caalamka.
Beesha Caalamka waxay ku baaqeen hanaan doorasho oo mid ah oo lagu heshiiyay – iyadoo aan jirin doorashooyin kale oo isbarbar socda ama aan loo dhamayn – oo loo qabto si nabad ah iyadoo la ilaalinayo saaxadda siyaasadda iyo xorriyadda warbaahinta, lana damaanadqaadayo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30, ayna ka soo baxayso natiijo lagu kalsoonaan karo loona wada dhanyahay oo u adeegaysa danta qaran.
“In la qabto doorashooyin waqtigooda ku dhaca, oo lagu kalsoonaan karo waa arrin aad muhim ugu ah iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka. Saaxiibada beesha caalamku waxay ku boorinayaan dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay sameeyaan isu tanaasul gar ah oo lagama maarmaan u ah in la xaqiijiyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo.” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka Beesha Caalamka.
Wakiilada Beesha caalamka ee warkan soo saaray waxay kala yihiin: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.
