Dalalka Beesha Caalamka ee la baxay (Saaxiibada Soomaaliya ee Caalamka) ayaa War kasoo saaray Xaalada Doorashada Dalka iyo khudbadii ay Baarlamaanka ka jeedisay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Xaliimo Yarey, iyagoo ku baaqay in kulan degdeg ay yeesheen madaxda dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.
“Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay la socdeen khudbadii 27-kii Juun ay Golaha Shacabka ka hor-jeedisay Guddoomiyaha Gudduga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ), khudbadaas oo ay kusoo bandhigtay kala-xulashooyin farsamo oo lagu qabanayo doorashooyin qof-iyo-cod ah sida ugu dhow uguna macquulsan ee waqtiga dastuurku farayo. Waxaan uga mahad-celinaynaa Gudoomiyaha soo-bandhigidda ay ka hor-jeedisay Golaha Shacabka…” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka.
Waxaan adkeeyeen baahida joogtada ah ee loo qabo in dadka Soomaaliyeed ay wadahadal loo dhanyahay ka yeeshaan sidii lagu heli lahaa heshiiska ugu ballaaran ee suurtagalka ah oo laga gaaro mowduucan muhiimka ah, waxayna hoosta ka xarriqeena muhiimadda uu leeyahay wadahadal dhameystiran oo faah-faahsan oo dhexmara madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada.
“Waxaan soo dhaweynaynaa ku dhawaaqista uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ ku dhawaaqay in uu kulan la yeelan doono dhammaan madaxda Dowlad Goboleedyada 5ta illaa 8da Luulyo waxaana boorinaynaa in kulankaas uu noqdo tallaabada xigta ee wada-tashi ballaaran oo ay yeeshaan saamilayda ugu muhiimsan…” ayaa ka mid ahaa qoraalka Beesha Caalamka.
Qoraalka Dalalka Beesha Caalamka ayaa lagu soo gabagabeeyay: “Waxaan ogsoonnahay in baarlamaanku uu sidoo kale yeelanayay kulan looga hadlayay arrimaha la xiriira xeerka doorashada. Waxaan boorinaynaa in la xoojiyo heshiiska siyaasadeed ka hor inta aan la gaarin go’aannada kama-dambeysta ah. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan madaxda Soomaaliya inay ka shaqeeyaan sidii ay dhaqso heshiis uga gaari lahaayeen tubta loo marayo qabashada doorashooyin qaran iyo arrimaha kale ee degdega loogu baahanyahay ee leh hortabinta qaran.”
Beesha caalamka ayaa kal ah: *Belgium, Ingiriiska, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Midowga Yurub, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkiga, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.