Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in ciidamada Booliska Puntland ay howlgal ka wadaan halkaasi si ay fujiyaan sawirrada Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo las uray qaar ka mida Tabbeelayaasha Garowe.
Dadka magaalada ayaa soo weriyey in ciidamada oo wata gaadiidka Booliska ay ku dhaqaaqeen howlgal ka dhan ah sawirrada Ra’iisal wasaare Rooble oo looga nadiifinayo goobaha lagu xiray, kuwaasoo la sheegay inay danbeeyeen taageerayaasha Xukuumadda Soomaaliya.
Arrintan ayaa sawir xun ka bixisay socdaalka Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ee magaalada Garowe oo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka taagan fulinta Doorashada Federaalka ee 2020/2021.
Waxa magaalada Garowe ku sugan Wasiiro ka socda Xukuumadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda, kuwaasoo hordhac u ahaa Wafdiga Ra’iisal wasaaraha.


