Sunday, July 6, 2025

Booliska oo shaaciyey in 82 Qof laga soo badbaadiyey Hotelka SYL [Akhriso Digniin loo diray Saxafiyiinta iyo Shacabka]

Taliska Booliska Soomalaiya ayaa ka hadlay weerarka ay Caawa maleeshiyada Alshabaab ku qaadeen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo ku yaalla meel u dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Zakiya Xuseen ayaa qoraallo ay soo dirtay ku sheegtay in 7-dii habeenimo (7pm) ayaa qoladii nabad diidka ah -ee Alshabaab- ay weerar ku soo qaadeen hotel SYL, isla markaana i2 ka mida lagu dilay hotelka bannaankiisa, balse labo dabley kale ay haddaa ciidamada ammaanka kula dagaallamayaan gudaha Hotelka.

“Ilaa iyo hadda waxay Ciidamada Ammaanku soo badbaadiyeen 82 qof ay isku jira shacab iyo masuuliyiin. Waxaan ka digeynaa in xiriir telefoon lala sameeyo dadka shacabka ah ee lagu tuhunsan yahay in ay gudaha ku jiraan inta howlgalka laga soo afjarayo…” ayey tiri Gen. Zakiya oo sidoo kale warbaahinta iyo shacabka fartay inay ka fogaadaan Hotelka.

“Warbahinta iyo muwadininta sharafta leh waxaa fareynaa inay ka fogaadaan goobta arrimo amni awgeed. Wixii soo kordha waan idinla soo socodsiinayaa..” ayey qoraalkeeda ku soo gabagabeysay, iyadoo aan faahfaahin ka bixin qasaaraha dhimashada iyo dhaawac ka dhashay weerarka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON