Socdaalkii la filayay inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku tago Degaanada Puntland ayaa si rasmi ah loo joojiyay.
Arrintan ayaa timid kadib markii Baarlamaanka Puntland uu kalsoonida kala laabtay xukuumadii madaxweyne C/weli Gaas, waxaana qoraal Puntland u dirtay madaxtooyada Soomaaliya ay ku codsatay dib u dhigista safarkii madaxweynaha ee qabanqaabada loogu jiray, iyadoo aan la sheegin waqti kale oo socdaalkaasi dhici doono.
Puntland ayaa qabanqaabo weyn ugu jirtay soo dhoweynta madaxweyne Farmaajo iyadoo hore loo qorsheeyay inuu muddo toddobaad ah ku qaado degaanada Puntland, taasoo hadda meesha ka baxday markii xukuumadii Puntland ay meesha ka baxday.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu hadda socdaalkiisa u wareejinayo maamulka Hirshabeelle iyo magaalada Jowhar, iyadoo la ogyahay in xiriirka Hirshabeelle iyo Villa Somalia aanu wanaagsaneyn.
Goobjooge