Sunday, July 13, 2025

Boosaaso: Qarax lala beegsaday Kolonyo uu la socday Madaxweynaha Puntland iyo Alshabaab oo…

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso aya sheegay in qarax lala beegsaday Kolonyo uu la socday madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni xilli uu sii gelayay magaalada Boosaso.

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka loo dhigay oo la filayo inay ahayd nooca la hago ayaa dhalisay qasare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana ku dhintay 2 askari ka mida ilaalada Siciid Deni ee kolonyadiisa ka mid ahaa, waxaana ku dhaawacmay 7 qof oo kale.

Qaraxyada magaalada Boosaaso ayaa noqday kuwo is daba joog ah muddooyinkii danbe, waxaana qaraxa maanta ka badbaaday madaxweyne Deni iyo madaxdii kale ee la socotay.

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxa lala beegsaday Kolonyada Madaxweynaha Puntland, sida lagu sheegay war kasoo baxay Taliska Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON