Tuesday, June 24, 2025

C/raxmaan C/shakuur oo Ra’iisal Wasaare Rooble uga digay Arrin uu ka dalbaday Madaxweyne Farmaajo

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mida musharixiinta xilka Madaxweynaha ayaa kashifay arrin uu Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ka dalbaday Ra’iisal wasaraha Maxamed Xuseen Rooble oo ku saabsan Jubbaland.

“Waxaan xog sugan ku helaynaa in Madaxweyne Farmaajo uu ku cadaadinayo Reysalwasaare Rooble in uu Jubbaland u aqoonsado deegan cadow heysto, doorashana lagu qaban karin ilaa iyo inta laga xoreeynayo” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo talo u jeediyay Ra’iisal wasaaraha.

C/raxmaan C/shakuur ayaa baaqa oo soo socda u diray Ra’iisal wasaraha “Haddii uusidaas yeelo waa qar iska tuurnimo iyo daldalaad siyaasadeed, waxaana ugu baaqayaa RW Rooble in uusan taladaas yeelin.”

Dhowaan ayey xukuumadda Soomaaliya u yeeratay safiirkeeda dalka Kenya, halka safiirka Kenya ee Soomaaliya ka dalbatay inuu dalkiisa ugu laabto la-tashi, markii ay ku eedeysay inay Kenya Madaxweynaha Jubbaland ku cadaadineyso inuu diido Doorashada Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON