Thursday, April 18, 2024

C/raxman C/shakur oo ka digay Arrin mugdi gelineysa dhedhexaadnimadii Ra’iisal wasaare Rooble

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka digay qaabka loo wado kala saarista Guddiyada Doorashada, isagoo sheegay inay mugdi gelin doonto dhexdhexaadnimada Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaa Guddiga doorashada laga saaray Xaawo Aadan Yare Culusow oo lagu eedeyey inay Farmaajo ka soo horjeeday, kana tirsanayd taageerayaasha mucaaradka. Dhinaca kale, ku dhowaad 20 ruux oo taageerayaasha Farmaajo ah, iyo toboneeyo dharcad ah ayaa weli Guddiga ku jira” ayuu yiri Musharax C/raxmaan C/shakuur oo arrintaas ka hor yimid.

“Haddii uu sidan ku soo baxo liiska guddiga, waxay tani mugdi gelinaysaa hufnaanta Guddiga iyo dhexdhexaadnimada Raysalwasaare Rooble” ayuu qoraalkiisa uga digay C/raxmaan C/shakuur, kadib markii Guddiga xukuumadda ay dib u celiyeen xubin ka mida 4 xubnood oo uu soo magacaabay Madaxweynaha Galmudug.

Ad

Taageerayaasha Farmaajo ayaa si weyn uga carooday magacaabidda haweeneydan, taasoo keenay in Rooble u dhage nuglaado, dibna u celiyo xubintan, taasoo u muuqata inay xaalad kale ku keeni doonto arrinta kala saarista Guddiga.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON