Saturday, July 19, 2025

C/raxman C/Shakur oo kashifay wixii maanta ka dhacay Garoonka Muqdisho, Farriimo culusna diray (Akhriso)

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho xilli markaasi lagu soo dhoweeyay Axmed Madoobe, welina la sugayey Siciid Deni ayaa ka hadlay xaafada isku dhex yaaca iyo qaska ahayd ee uu la kulmay.

Qoraalkiisa C/raxmaan C/shakuur ku sheegay inay garoonka la wareegeen ciidamo ka yimid Jubbaland oo sallaan u saaray, isaga laftiisana ay ciidamo hubeysan kasoo gelbiyeen, garoonka markii ay xaalada Amniga Garoonka ka shakiyeem.

Laba fariin uu qoraalkiisa uga faa’iideystay inuu diro, isagoo ula dan leh madaxda dowladda waqtigeedu sii dhammaanayo iyo taageerayaasheeda, waxaana qoraalkiisa u qornaa sida soo socota:

Muqdisho markii aan maanta ku soo noqday, waxaan soo degey iyadoo Madaxweyne Axmad Madoobe soo degey, Madaxweyne Deni uusan weli soo degin. Waxaa markii ugu horreysay muddo sanado ah aan galay VIP-da, waxaan arkay xildhibaannadii iyo wasiirradii Jubbaland iyo Puntland oo uusan midna ka maqneyn, sidoo kale siyaasiyiintii reer Muqdisho.

Waxaan markii aan sii baxayey salaan ii saaray ciidankii, waan yaabay, anigoo is leh ciidan salaan kuuma saari jirine waa sidee! ayaan arkay calaamadda u xiran oo tii Jubbaland iyo Puntland ah. Ciidankii NISA iyo koofiya castii midna ma joogin goobta. Waxaa isna garoonka joogay Safiirka Maraykanka oo jebiyey habraacii amni iyo kii COVID-19 ee laga doonayey, buuqa iyo isku dhex yaaca meesha yaalay dartii.

Way muuqataa in safiirku uu dammaanad qaade yahay, ilaalada iyo amniga garoonkana horay looga gorgortamay. Aniga ruuxayga ciidan gawaari gaashaaman wata oo gurmad ah ayaa i soo galbiyey, markii aan waydiiyeyna, waxay ii sheegeen masuuliyiintii amniga ii qaabilsanayd in ay shakiyeen.

Waxaa kaloo iyana cad in sida ay haatan u muuqato in saamilay muhiim ah ay miiska go’aanka ka maqan yihiin, waxaanse ku kalsoonnahay in labada madaxweyne ee maanta yimid aysan miiska tegi doonin iyada oo uu kooramku dhammaystirmin. Hal qolo ayaa u baahan in ay maanta cashar qaataan, waa kuwa siyaasadda muufaysiga iyo maalin jooga ugu jira iyo qolada sida Jinnigii nabi Sulaymaan ku shaqaynayey ee mooday in uu weli noolyahay, laakiin aboor ushii uu cuskanaa cunay, kaddibna uu dhulka ku dhacay, sidaasna ay Jinnigii ku ogaadeen geerida Nabiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON